SAXAABIGII DHALXATA BINU CUBEYDILLAAHI AL-TAYMIYI
”RUUXII JECEL INUU ARKO NIN DUNIDA DUSHEEDA SOCDA ISLA MARKAASNA DHINTAY HA EEGO DHALXATA BINU CUBEYDILLAAH” (XADDIIS) Dhalxata Binu Cubeydillaahi Al-taymiyi wuxuu la socday dad socoto ahaa oo ka mid ah qureysh ganacsatadeeda, waxay ku socdeen gobolka Shaam. Markay soo gaareen magaalada Busraa ee hadda ah gobolka Xawran ee dalka Suuriya, waxay odoyaashii reer qureesheed ee ganacsatada ahaa hal-mar ku qamaameen goobihii gacansiga, si ay u iibsadaan bicsharadii ay wadeen, isla markaasna ay u gataan kuwo kale. Inkastoo Dhalxata uu xilligaas ahaa wiil dhalinyaro ah oo aan lahayn khibradda ay leeyihiin odayaashaas qureesheed, haddana wuxuu lahaa caqli badni, fahmo, xeelad iyo karti uu kula tartami karay ganacsatadaas. Goor uu Dhalxata marna uu subixii ku soo kallahayo, galabtiina uu ka soo laabanayo suuqii weynaa Busraa ee ay ku soo qulqulayeen ganacsatadii ka kala yimid meel kasta ayaa waxaa qabsatay dhacdo wax weyn ka beddeshay nolol maalmeedkiisa idilkeed. Bal aynu Dhalxata u dha...
Comments
Post a Comment