Qisooyin Diini ah oo Cajiib Ah
QISO YAR OO CAJIIB AH. (Marwadii Caqliga badneyd). Nin qoraa ahaa ayaa isaga oo fadhiya Qolka uu had iyo jeer wax ku qorto Gurigiisa Warqad iyo Qalin soo qaatay wuxuu qoray. Sannadkii aynu ka soo gudubnay waxaan sameeyey Qalliin weyn oo aan Bilo badan Dhakhtarka ugu jiray, oo aan Sariirta saarnaa, waxaana sannadkii hore aan gaaray 60 sanno anigoo Xanuun sanaaya, Aabahay wuxuu Geeriyooday sannadkii aan ka soo gudubnay, Wiil aan dhalay wuxuu ku dhacay Imtixaankii uu ku Qalin jabin lahaa, isla markaana ku qaadan lahaa Shadaada kuliyadda Caafimaadka , ka dib markii uu Waxbarashadii ka haray Shil Baabuur oo la soo Gudboonaaday awgii. Wuxuu Warqadiisa uu qoray ku soo Gabagabeeyey sannad adag oo aan dhib badan la kulmay ayuu ahaa sannadkii hore ee aynu ka soo gudubnay. Warqaddii wuxuu kaga tagay Miiskii uu ku qoraayey, Xaaskiisii ayaa soo gashay Qolkii waxeyna aragtay Warqadda oo Miiska saaran, waxayna Akhrisay warqaddii uu qoray Ninkeedu. Ka dib waxey soo qaadatay Warqad kale, intey ha...