Posts

Showing posts from December 14, 2018

Qisaddii Nabi Ismaaciil c.s

Image
‘’Sababtii keentay in Illaahay amro Nebi Ibraahiim inuu bireeyo Wiilkiisa Ismaaciil (cs).’’ Sababta keentay in Nebi Ismaaciil (cs) la amro in la bireeyo xaqiiqada Illaah baa garanaya, balse sida la sheegay Nebi Ibraahiim (cs) ayaa sadaqeeyey 1.000 Neef oo Ari ah, 300 oo lo’ah iyo 100 Neef oo Geel ah, wuxuuna ku baxshay jidka Illahay, dadkii ayaa la yaabay, markaabaa Nebi Ibraahiim (cs) wuxuu yiri “Waxaan baxday agtayda waxba kama ahaa, balse Illah baan ku dhaartee haddii uu ii ahaan lahaa wiil jidka Illahay ayaan u bireyn lahaa, Illahey ayaana ugu dhawaan lahaa “markii uu saas yiri Nebi Ibraahiim (cs) waqti badan ayaa la joogay, kaddib Illahay ayuu weydiistay awlaad,(ilmo) Illahayna wuu ka aqbalay, waxaana loogu bishaareeyey walad, waxaana loo dhalay Nebi Ismaaciil (cs). Nebi Ismaaciil (cs) markuu weynaaday ee uu gaaray dhowr sanno, ayuu Nebi Ibraahiim (cs) ku riyooday isagoo bireynaya wiilkiisa Ismaaciil (cs), laguna yiri oofi nadarkaagii (dhaartaadii hadda ka hor). Ma...

Alle Dartiis Waxaad Uga Tagtid Rabi Waxa uu Kugu Badala Shay Ka Kheyr Badan

Sheekh Cali Dhandhaawi ilaahay ha u naxariistee waxa uu ku yiri Xasuus qorkiisii: Dimishiq waxaa ku yaaley masjid wayn oo la yiraahdo Jaamic al tawbah, Waa Jaa…mic wayn oo barakaysan oo qurux badan, Waxaa loogu magacaabey Jaamic al tawbah wuxuu ku ooli jirey meel Macaasida lagu sameeyo barigii hore, kadibna waxaa iibsadey mid ka mid ah boqoradii qarnigii todobaad ee Hijriga, Intuu dumiyey ayuu masjid ka dhisey. Masjidka waxaa joogi jirey Sheekh ilaa todobaatan jir ah magiciisana waxaa la oran jirey, Sulaym Al-Suyuudi, dadka xaafadda daganina aad bay ugu kalsoonaayeen wixii ku saabsan arimaha diintooda iyo duunyadoodaba way ula noqon jireen, Sheekha waxaa la joogi jirey Ardey aad u dhawrsani badan oo aan waxba haysan, Masjidka ayuu ka daganaaa qol, waxaa soo maray ardaygaas Inusan waxba cunin laba maalin, wuxuu cunana ma uusan heli jirin, maalintii sadexaad ayuu is yiri waad dhimanaysaa, wuxuu ka fakarey wuxuu samayn lahaa, markaasuu wuxuu Is tusiyey In ay u bannaantahay inuu wax s...

Ninkii Abuu Dar Ka Damaanad Qaaday

Qiso Diini ah oo Aad u Faa’iido Badan, Mudana In Lagu Cibro Qaato..! Waqtigii Cumar Binu Al-Khadaab RC, uu xukunka islaamka haayey, ayaa saddex qof waxey hor keeneen Cumar binu Khadaab nin dhalinyaro ah, waxey ku yIiraahdeen: Cumaroow Ninkaan waxaan rabnaa inaad noo qisaasto waxa uu diley aabaheen. Cumar baa Ninkii wuxuu ku yiri: Maxaad u dishey aabahooda? Ninkii wuxuu yiri:- Waxaan ahey nin geel jire ah oo Geel iyo Ari ayaan meel daajinayey, neef geel ah oo ka mid ah kuweyga ayaa waxaa uu daaqey geed ku yaal dhul uu leeyahey odeygu, dhagax ayuu qaatey markaas buu ku dhuftey neefkii geela ahaa, wuuna dhintay, aniguna isla dhagaxii baan qaatey oo ku dhuftey markaas buu isna dhintay. Cumar Binu Khadaab RC, waxaa uu yiri:- Hadaba waxaan kugu qaadayaa xadka. Ninkii baa yiri: Saddex casho i siiya waayo aabehey ayaa geeriyoodey wuxuu nooga tagey hanti aniga iyo walaalkey iga yar, hadaad i disho hantidaas wey lumeysaa iyo walaalkeyba. Cumar baa yiri:- yaa ku damiinanaayo?. ...