Posts

Showing posts from November 27, 2018

SAXAABIGII ABUU DAR AL-QHIFAARI

”SAXAABIGII SOO ISLAAMIYAY TOLKIISOO IDIL” Togga lagu magacaabo ”WADDAAN” ayeey degganaayeen qabiilka reer Qhifaar. Xoogaaga ay u soo tuuraan socotada qureysh ee u kala goosha magaalooyinka Shaam iyo Xijaaz ayeey ku noolaayeen. Mararka qaarkood waxaa dhacda inay si awood leh ay cuntada uga qaataan, waa haddii aynan siinin markaas waxay doonayeen. Haddaba, Saxaabiga la yiraahdo Jundub Binu Junaada, kunyadiisuna tahay Abuu Dar ayaa wuxuu ka dhashay qabiilkaas aan soo sheegnay ee Qhifaar. Hase ahaatee, wuxuu qabiilkiisa kaga duwanaa isagoo ku caanbaxay caqli hufnaan, garaad sarreeya iyo isagoo lagu yaqiinay inuu lahaa aragti aad u xeel dheer. Kuma uusan uu niyad fiyoobeen sanamyada ay caabudayeen tolkiisa. Wuxuu si daran uga soo horjeeday waxay carabtu ku sugnaayeen oo ah cibaado qaldan, iyo caqiido aan waxna ka jirin. Wuxuu u hanqal-taagayay inuu soo baxo Nebi cusub oo buuxiya dadka laabtooda, isla markaasna ka saara dadka mugdiyada iyo baadida ay ku sugan yihiin, una saara iftiink...

SAXAABIGII ABUU CUBEYDA BINU AL-JARRAAX

”UMMAD KASTA WAXAY LEEDAHAY AMIIN, UMMADDAN AMIINKEEDU WAA ABUU CUBEYDA”  Wuxuu lahaa weji furan oo qurxoon, joog iyo jamaal loo dhammeystiray. Ma uusan lahayn hilib sidaa u sii weyn, dherer iyo fudeyd xagga jirka ah ayaa intaas u sii dheereed. Way ku il-qabowsanaysay isha eegaysa xaggiisa, wehel iyo xasilooni ayuu ka helayay qofka agtiisa jooga. Dhinaca kale, waxaa kaloo intaas u sii dheereed, isagoo ku tilmaanaa jilicsanaan uu u hayo walaalihiisa islaamka iyo xishood daran. Hase ahaatee, hadduu arrinku dhinaca kale isu beddelo wuxuu noqonayay qof la tamaasha duruufta markaas uu ku jiro. Saxaabiga aan sidaas u tilmaanay waa saxaabigii lagu ammaanay dhowrista ammaanada, loona bixiyay amiinka Ummadda Nebi Muxammad (scw), waa saxaabigii isagoo dunida saaran loogu bishaareeyay inuu geli doono Jannada, waa saxaabiga lagu magacaabo Caamir Binu Cabdillaahi Binu Al-Jarraax, Ilaah ha ka raalli noqdee, kana dhashay qureysh, kunyadiisuna ay tahay Abuu Cubeyda. Muxuu Cabdullaahi Bi...

SAXAABIGII THUMAAMA BINU UTHAAL

WUXUU CUNQABATAYN DHAQAALE KU SOO ROGAY QUREYSH" Sannadkii lixaad ee hijriyada wuxuu Rasuulka (scw) go'aan ku qaatay inuu ballaariyo dadaalkii uu ugu jiray fidinta dacwada islaamka, isagoo siddeed dhambaalood oo qoraal ah u kala diray boqorrada carbeed iyo kuwa cajam-ba, wuxuuna dhambaaladiisa ugu yeeray boqorradaas inay soo galaan diinta islaamka. Boqorradaas loo diray dhambaaladaas ayaa waxaa ku jiray Thumaama Binu Uthaal Al-Xanafi. La yaab ma lahan inuu Thumaama ka mid ahaa madaxda iyo boqorrada carbeed waqtigii jaahiliga ee islaamka kahor. Wuxuu ka mid ahaa madaxda reer Banii Xaniifa, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa boqorrada reer Yamaama ee aan amarkooda marnaba la khilaafin. Wuxuu isku dayay dilka Rasuulka (scw) Thumaama Binu Uthaal ma uusan aqbalin dhambaalkii uu u soo diray Rasuulka (scw), isagoo iska dhega-tiray dacwadii xaqa iyo kheyrka xanbaarsanayd. Taasi waxaa kaba sii darneyd, isagoo sheydaanka uu tusay inuu isku dayo dilka Rasuulka (scw), iyo si uu wiiqo...

AL-BARAA BINU MAALIK AL-ANSAARI

"BARAA MADAX HA UGA DHIGINA MID KA MID AH CIIDAMADA MUSLIMIINTA CABSI LAGA CABSANAYO INUU GEESINIMADIISA KU JEBIYO CIIDANKIISA "   CUMAR BINU KHADAA Wuxuu ahaa nin booreysan oo basaasan, una dhashay baryari ay adagtahay inay isha si fiican u qabato jirkiisa. Hase ahaatee iyadoo ay taasi jirto, wuxuu haddana laayay boqol ka mid ah mushrikiinta/gaallada isu-soo-bax-dagaaleed, iyadoo aynan ku jirin kuwa kale ee uu ku laayay bartamaha dagaallada. Waa geesigii uu arrintiisa awgeed u qoray Cumar Binu Al-khadaab, dhambaalkiisii uu u qorayay shaqaalihiisa iyo guddoomiye-goboleedyadiisa markuu lahaa "yaan Baraa madax looga dhigin ciidan ka mid ah ciidamada muslimiinta, cabsi laga qabo in geesinimadiisa awgeed ciidankaas la jebiyo".  Anas ayeey walaalo ahaayeen Qofkaas aynu ka hadlayno waa Al-Baraa Binu Al-Maalik Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee, waa Anas Binu Maalik walaalkiis ee ahaa adeegihii Rasuulka (scw). Haddeynu xoogaa milicsano si aan halkan uga soo gud...

SAXAABIGII CABDULLAAHI BINU JAXSHI

"QOF LOOGU YEERO AMIIRAL-MU'MINIIN KII UGU HOREEYAY" axaabiga aynu hadda qaadanayno sheekadiisa waa saxaabiga ay xiriir qaraabo wadaagaan Rasuulka (scw), wuxuu ka mid ahaa asxaabtii ugu horeeyay ee soo gala diinta Islaamka. Cabdullaahi Binu Jaxsh waxaa dhashay Umaymata Binta Cabdil-mudhalib oo ahayd Rasuulka (scw) eeddadiis. Dhinaca kale wuxuu Cabdullaahi ahaa Rasuulka (scw) seedigiis, maxaa yeelay wuxuu Rasuulka (scw) qabay Zeynaba Bintu Jaxsh oo ay walaalo ahaayeen Cabdullaahi, marna ahayd hooyadii mu'miniinta. Cabdullaahi Binu Jaxsh wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee loo dhiibo calanka Islaamka, sidoo kale wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee loogu yeero Amiiral-mu'miniin. Inkastoo aan la soo koobi karin guud ahaan taariikhda la xiriira habnololeedkii Cabdullaahi Binu Jaxsh, haddana waxaynu ka soo qaadanaynaa laga soo billaabo markuu soo islaamay. Wuxuu Cabdullaahi Binu Jaxsh soo islaamay, kahor intuusan Rasuulka (scw) gelin daartii ama gurigii Arqam Binu Arqa...

SAXAABIGII DHALXATA BINU CUBEYDILLAAHI AL-TAYMIYI

”RUUXII JECEL INUU ARKO NIN DUNIDA DUSHEEDA SOCDA ISLA MARKAASNA DHINTAY HA EEGO DHALXATA BINU CUBEYDILLAAH” (XADDIIS) Dhalxata Binu Cubeydillaahi Al-taymiyi wuxuu la socday dad socoto ahaa oo ka mid ah qureysh ganacsatadeeda, waxay ku socdeen gobolka Shaam. Markay soo gaareen magaalada Busraa ee hadda ah gobolka Xawran ee dalka Suuriya, waxay odoyaashii reer qureesheed ee ganacsatada ahaa hal-mar ku qamaameen goobihii gacansiga, si ay u iibsadaan bicsharadii ay wadeen, isla markaasna ay u gataan kuwo kale. Inkastoo Dhalxata uu xilligaas ahaa wiil dhalinyaro ah oo aan lahayn khibradda ay leeyihiin odayaashaas qureesheed, haddana wuxuu lahaa caqli badni, fahmo, xeelad iyo karti uu kula tartami karay ganacsatadaas. Goor uu Dhalxata marna uu subixii ku soo kallahayo, galabtiina uu ka soo laabanayo suuqii weynaa Busraa ee ay ku soo qulqulayeen ganacsatadii ka kala yimid meel kasta ayaa waxaa qabsatay dhacdo wax weyn ka beddeshay nolol maalmeedkiisa idilkeed. Bal aynu Dhalxata u dha...