Posts

Showing posts from November 26, 2018

SAXAABIGII CADDIYYU IBNU XAATIM AL-DAA’I

"ADIGU WAAD RUMEYSAY MARKII AY DADKII GAALOOBEEN, ADIGU WAAD GAROWSATAY MARKII AY DADKII INKIREEN, ADIGU WAAD OOFISAY MARKII AY DADKII BALLANTA KA BAXEEN, ADIGU WAAD SOO JEESATAY MARKII AY DADKII CARAREEN" (CUMAR BINU KHADDAAB) Caddiyyu oo boqor ah, welibana aan islaamin:  Sannadkii sagaalaad ee hijriyada ayaa waxaa diinta Islaamka u hoggaansamay boqor ka mid ah boqorrada carbeed, ka dib markii uu in fara badan ka biyo diiday. Iimaanka ayuu u jilcay, ka dib markuu madax adeyg iyo ka jeedsi fara badan la yimid. Wuxuu Rasuulka (scw) siiyay oggolaansho buuxda, ka dib diidmo dabadeed. Ninkaas aan tilmaamnay waa Caddiyyu Ibnu Xaatim ee qabiilkiisu reer”ddaa’i-ga” ahaa kaasoo looga tusaalo qaato deeqsinimada aabihiis. Caddiyyu Ibnu Xaatim wuxuu boqortooyada ka dhaxlay aabihiis, reerkiisana isaga ayeey boqortooyada u caleemo saareen, sidaa darteed maalka ay tolkiisa soo dhacaan wuxuu Caddiyyu Ibnu Xaatim saami ahaan ugu lahaa afar meelood meel. Markii uu Rasuulka (scw) la j...

SAXAABIGII SACIID BINU CAAMIR AL-JUMAXI

ACIID BINU CAAMIR WAA NIN AAKHIRADA KA DOORTAY ADDUUNYADA, WUXUUNA ALLE IYO RASUULKIISA KA DOORTAY WIXII IYAGA KA SOO HARAY" SACIID OO AAN ISLAAMIN: Wiilkii dhalinyarada ahaa ee la oran jiray Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi wuxuu ka mid ahaa kumanaankii kun ee yimid degmada Tanciim ee ku taallay agagaarka magaalada Makka, si ay u ajiibaan yeeristii ay u yeereen madaxdii Qureysh, iyo weliba si ay u daawadaan toogashadii ama dilkii saxaabiga la yiraahdo Khubeyb Binu Caddiyyi (rc), oo ka mid ahaa asxaabtii Nebi Muxammad (scw) ka dib markii gaaladii qureysh ay ku guuleysteen inay soo qabtaan/qafaashaan Khubeyb. Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi Ilaah ka raalli noqdee waxay u suurto galisay dhalinyaranimadiisii inuu arko kii ay qafaasheen gaaladii Qureysh (waa Khubeyb’e) isagoo weliba gacmaha iyo lugaha ka xir-xiran, iyadoo weliba dumarkii, caruurtii iyo odayaashiina ay u fafakanayaan oo u baxsanayaan si ay uga aar-goostaan Khubeyb dadkoodii lagaga laayey dagaalkii Badr. Dadkii fara...

SAXAABIGII CABDULLAAHI IBNU UMMI MAKTUUM

"NIN INDHO LA’ OO EEBBE (SW) ISAGA DARTIIS KU SOO DEJIYAY 16 AAYADOOD, KUWAASOO LA AQRIYAY, LANA AQRIN DOONO LABADII CUSBAA INTAY KA SOO LAABTAAN (HABEENKA & MAALINTA)" Waa kuma saxaabiga isaga dartiis Nebiga looga canaantay toddobo samo korkood, canaantaasoo ahayd tii ugu adkeyd uguna xanuunka badnayd?!!. Waa kuma saxaabiga isaga dartiis uu malakul-Jibriil (cs) ugu soo daadegay qalbiga Nebigeenna Muxammed (scw) isagoo xagga Rabbi(sw) ka waday waxyi qur’aan ah. Saxaabigaas qiimahaas iyo maamuuskaas weyn lihi waa Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum, kaasoo ahaa kii u addimi jiray Rasuulka (scw). Cabdullaahi Ibnu Maktuum Ilaah ka raalli noqdee, wuxuu ahaa reer Makaad, wuxuuna ka dhashay qabiilka Qureysh. Wuxuu Rasuulka (scw) la ahaa xidid, maxaa yeelay afadii uu Rasuulka (scw) qabay ee la oran jiray Khadiija Bintu Khuweylid ayaa waxay ahaayeen ilmo abti iyo ilmo eeddo laxmi ah. Cabdullaahi Ibnu Maktuum aabihiis waxaa la oran jiray Qays Binu Zeyd, hooyadiisna Caatika Bintu ...

XUDEYFA BINU AL-YAMAAN "XUDEYFA WUXUU IDIIN SHEEGO RUMEYSTA". (XADDIIS)

"Haddaad doonto waxaad ka mid noqotaa muhaajiriinta, sidoo kalena haddaad doonto waxaad ka mid noqotaa Ansaarta, labadaas kooxood midkaad doontid naftaada u dooro”, hadaladaa Waxaa Xudeyfa ku yiri Rasuulka (scw) markii ugu horeysay ee uu magaalada Makka kula kulmay. Sababta keentay kala doorashadaas ee uu Rasuulka (scw) kala dooransiiyay labadaas kooxood ee sharafta badan ayaa waxaa ku dhex jirta sheeko xiiso leh oo aan ku arki doono gudaha sheekada. Xudeyfa aabihiis waxaa la oran jiray Yamaan, wuxuu ka dhashay reer Banuu CABS, sidoo kale wuxuu ahaa reer Makka, hase ahaatee wuxuu galay dhagar oo wuxuu dilay qof, taasoo markii danbe ku qasabtay inuu ka qaxo magaalada Makka, isagoo u qaxay magaalada Madiina, halkaana wuxuu bahwadaag la sameeyay reer Banii Cabdil Al-ash-hal oo uu iyagu la xididay kana guursaday, jeer uu u dhashay wiil loo baxshay Xudeyfa. Meeshaana waxaa ka baxday waxyaabihii Yamaan ka hortaagnaa inuu ku soo noqdo magaalada Makka, wuxuuna u dhaxeen jiray labada ma...

SAXAABIGII DHUFAYL BINU CAMR AL-DOWSI

Dhufayl wuxuu kaaba qabiil u ahaa qabiilka uu ka dhashay ee Daws, wuxuuna ahaa nin carabta dhexdeeda ka leh sharaf iyo qaddarin. Dhufayl wuxuu ahaa deeqsi oo wuxuu maal iyo lacag hayo wuxuu ku quudin jiray masaakiinta aan waxna haysan, sidoo kale wuxuu magangelin jiray dadkii kuwii weydiista magangelyo. Dhufayl wuxuu ahaa gabyaa dareen sare leh, isla markaasna aad u yaqaana Suugaanta iyo Maansada Carabiga. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Dhufayl wuxuu ka carraabay magaaladii ay deganaayeen tolkiisa ee Tihaama, isagoo u sii jeeda magaalada Makka, markaas iyada ahna waxaa magaallada Makka socday loolan dagaal oo dhexmarayay Nebiga (scw) iyo gaallada Qureysh. Qureysh waxay isku deyday sidii ay ku kasban lahayd Dhufayl. Bal aan Dhufayl u deyno sheekada si uu noogu sii wado sheekada, bal saan u ogaanno wixii uu kala kulmay Madaxdii Qureysh, Dhufayl wuxuu yiri "Waxaan soo galay magaallada Makka, wax yar kaddib maba aan joogin ilaa ay ii yimaadeen madaxdii Qureysh iyagoo doonaya in a...

SAXAABIGII CABDIRAXMAAN BINU CAWF

"ILAAH HA KUU BARAKEEYO MAALKA AAD BAXSATAY IYO MAALKA AAD REEBATAY"  Ducadii Nebiga (scw) ee Cabdiraxmaan Binu Cawf Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa tobankii qof ee ugu horeeyay ee soo islaama, wuxuu kaloo ka mid ahaa tobankii nin ee Jannada loogu bishaareeyay iyagoo dunida saaran. Wuxuu ka mid ahaa lixdii nin ee loo doortay guddiga Shuurada (talo bixinta) ka dib maalintii doorashada khilaafada Cumar Binu Khaddaab (rc). Wuxuu ka mid ahaa asxaabtii ka jawaab celin jirtay su’aalaha diiniga, iyadoo Rasuulka (scw) uu noolaa. Wakhtigii jaahilayada ee Islaamka ka hor, waa intuusan islaamin’e, waxaa Cabdiraxmaan lagu magacaabi jiray: "Cabdi Camr", hase ahaatee kolkii uu soo galay diinta Islaamka oo soo islaamay, wuxuu Nebiga (scw) u baxshay magaca Cabdiraxmaan. Cabdiraxmaan Binu Cawf wuxuu islaamay ka hor intuusan Nebiga (scw) gelin daartii Arqam Binu Arqam, waana xilligii uu soo islaamay Abuubakar As-siddiiq labo maalmood ka hor. Cabdiraxmaan islaamidda uu soo is...

SAXAABIGII CUMEYR BINU WAHAB

C umeyr wuxuu ka mid ahaa dadkii ka qayb galay dagaalkii Badar, isagoo la safnaa gaalada. Nasiib wanaag kuma uusan dhiman, laakiin waxaa lagu qafaashay wiilkiisa Wahab oo gacanta u galay Muslimiinta. Cumeyr wuxuu ka cabsan jiray in ay Muslimiinta u qabtaan wiilkiisa dhibaatadii uu aabihiis u geysan jiray Nebiga (scw) iyo asxaabtiisa, waayo wuxuu Cumeyr ka mid ahaa kuwii sida aadka ah u cadaadin jiray Nebiga iyo asxaabtiisa. Maalin maalmaha ka mid ah ayna tahay goor subax barqin ah ayaa wuxuu Cumeyr aaday Kacbada si uu u soo dhawaafo Kacbada, isla mar ahaantaana u barakeysto sanamyadeeda. Markii uu yimi kacbadii, wuxuu arkay Safwaan Binu Umaya oo ag fadhiya dhagax (Xajarul-aswad). Cumeyr ayaa salaamay Safwaan isagoo ku yiri "Subax wanaagsan". Safwaan ayaa u jawaabay Cumeyr isagoo leh "Subax wanaagsan Cumeyroow". Waxaa fur-furantay sheeko, waxay isla soo qaadeen jabkii iyo dhibaatadii ka qabsaday dagaalkii Badar. Waxay tiriyeen dadkii la qafaashay oo ay qafaasheen ...