Qisaddii Nabi Ismaaciil c.s
‘’Sababtii keentay in Illaahay amro Nebi Ibraahiim inuu bireeyo Wiilkiisa Ismaaciil (cs).’’
Sababta keentay in Nebi Ismaaciil (cs) la amro in la bireeyo xaqiiqada Illaah baa garanaya, balse sida la sheegay Nebi Ibraahiim (cs) ayaa sadaqeeyey 1.000 Neef oo Ari ah, 300 oo lo’ah iyo 100 Neef oo Geel ah, wuxuuna ku baxshay jidka Illahay, dadkii ayaa la yaabay, markaabaa Nebi Ibraahiim (cs) wuxuu yiri
“Waxaan baxday agtayda waxba kama ahaa, balse Illah baan ku dhaartee haddii uu ii ahaan lahaa wiil jidka Illahay ayaan u bireyn lahaa, Illahey ayaana ugu dhawaan lahaa “markii uu saas yiri Nebi Ibraahiim (cs) waqti badan ayaa la joogay, kaddib Illahay ayuu weydiistay awlaad,(ilmo) Illahayna wuu ka aqbalay, waxaana loogu bishaareeyey walad, waxaana loo dhalay Nebi Ismaaciil (cs).
Nebi Ismaaciil (cs) markuu weynaaday ee uu gaaray dhowr sanno, ayuu Nebi Ibraahiim (cs) ku riyooday isagoo bireynaya wiilkiisa Ismaaciil (cs), laguna yiri oofi nadarkaagii (dhaartaadii hadda ka hor).
Markii waagu beriyey ayuu ku fekeray tolow ma amar xag Alle ka yimid baa riyadu, mise waa shaydaan.Galabtii ayuu haddana ku riyooday wuxuuna xaqiiqsaday in xagga Alle laga amray, inuu bireeyo wiilkiisa Ismaaciil (cs).
Maxaa yeelay Riyada Nebiyadu waa xaq, waxayna la mid tahay iyadoo loo waxyooday. Nebi Ibraahiim (cs) wuxuu ku yiri, Haajara oo ahayd Nebi Ismaaciil hooyadiis “Wiilka dhar fiican u xir meel baan aadaynaayee “hooyo Haajara Ismaaciil (cs) dhar fiican ayey ugu labistay wayna u subagtay, wayna u shanlaysay.
Nebi Ibraahiim (cs) wuxuu qaatay xarig iyo mindi, waana is raaceen isaga iyo Nebi Ismaaciil (cs). Nebi Ismaaciil (cs) aabihiis ayuu hor socday in la biraynayana ma ogeyn isaga iyo hooyo Haajaraba.
Ibliis (shaydaan) ayaa damcay inuu ka faa’iidaysto, markaa buu Nebi Ibraahiim (cs) ku yiri: “Miyaadan arkayn wiilkaan baa la qali karaa?”
Nebi Ibraahiim (cs) wuxuu yiri: “Illahay ayaa i amray, waana biraynayaa”
Ibliis markuu ka quustay Nebi Ibraahiim (cs) ayuu u tagay Hooyo Haajara wuxuu yiri “halkaan ayaad iska fadhisaa Ibraahiimna wuxuu doonayaa inuu bireeyo wiilkaaga Ismaaciil ah”.
Haajara waxay tiri: “iga daa beenta, xaggeed ku aragtay aabbe Ilmihiisa biraynayaa?”
Ibliis wuxuu yiri: “Saas daraadeed ayuu u qaatay xarig iyo mindi”.
Haajara waxay tiri: “Maxaa kalifay inuu bireeyo wiilkiisa Ismaaciil?”
Ibliis wuxuu yiri: “Wuxuu sheeganayaa in Illahay amray”.
Haajara waxay tiri: “Koley Baadil Illahay amri maayo”.
Markii Ibliis Haajara ka quustay ayuu aaday wiilkii yaraa ee Nebi Ismaaciil ahaa, si uu u fidneeyo, wuxuuna yiri:
‘’Waad faraxsan tahay oo waad iska cayaaraysaa; Aabbahaana wuxuu kuu wataa xarig iyo mindi, wuxuuna doonayaa inuu ku bireeyo.’’
Ismaaciil wuxuu yiri: “War beenta iga daa, maxaa aabahey ii biraynayaa?”
Ibliis wuxuu yiri: “Wuxuu sheeganayaa in Illaahay amray inuu ku bireeyo.
Ismaaciil (cs) wuxuu yiri: “waan maqlayaa waana adeecayaa (yeelayaa) amarka Illaahay.”
Ibliis markuu doonay inuu hadal kale u celiyo ayaa Ismaaciil (cs) qaatay dhagax, wuuna ku tuuray, wuxuuna uga dhuftay isha bidix, Ibliis waa iska tagay isagoo hoogay oo khasaaray.
Nebi Ibraahiim (cs) iyo Ismaaciil markay gaareen meel la yiraah mina oo u dhaw kacbada ayaa Nebi Ibraahiim (cs) ku yiri Ismaaciil:
“Wiilkaygiiyoow waxaan riyo ku arkay aniga oo ku biraynayaa ee maxa ra’yigaagu yahay?”
Ismaaciil wuxuu yiri: Aabbaheeyow samee waxa Illahay ku amrayo, waad i heli doontaa haddii Alle idmo inaan ka mid ahay dadka wanwanaagsan. Nebi Ibraahiim (cs) markii uu maqlay hadalkii wiilkiisa Ismaaciil, wuxuu qiray (Ogaaday) in Illahay u ka ajiibay ducadiisii hadda ka hor uu Illahay ku baryay oo ahayd:
(Rabbi hablii minal salixiin)
Nebi Ibraahiim (cs) Illahay ayuu ku xamdiyay intaa kaddib nebi Ismaaciil (cs) ayaa yiri: Aabaheeyoow waxaan kuu dardaarmayaa dhowr shay:
Markii aad i biraynaysid iga xir gacmaha si aanan kuu dhibin.
Wajigayga iska sii jeedi waxaa laga yaabaa inaad wajigayga ujeedo inaad iga naxdo, oo aad ii naxriisato.
Dharkaaga xaydo (kor u qaado) si aan dhiiggu kuugu faniinin, hooyadayna inta kugu aragto dhiigga aysan ku murugoon, anna ajarku iiga nusqaamin.
Afayso midida kuna dhaqso biraynta si ay iigu fududaato sakaraatul mowdku, maxaa yeelay mowtku waa daran yahay.
Qamiiskayga u gee hooyadey ha igu xasuusatee.
Aabbe hooyaday igu salaam, waxaadna ku tiraa ku samir amarka Illahay.
Aabbe hooyo ha u sheegin sida aad ii biraysay, xariggii aad igu xirtay IWM.
Aabbe hooyaday: yaysan u soo galin Ilmaha anigoo kale ah way i xasuusanaysaaye, markaas bay murugoonaysaaye.
Aabbe haddii aad aragto wiil anigoo kale ah ha-fiirin yaadan murugoonee!
Nebi Ibraahiim (cs) wuxuu yiri: “wiilkaygiiyow waxaad iigu kaalmaysay amarkii Illahay i faray.”
Nebi Ibraahiim (cs) wuxuu guda galay inuu legdo (dhinaciisa dhulka dhigo) wiilkiisa Ismaaciil (cs) si uu u bireeyo, wuuna legday, middidii ayuuna surka uga kir-kiray intii xooggiisa, balse waa awoodii waayey inuu ku jaro middida qoorta wiilkiisa Ismaaciil (cs).
Malaa’igta Illahay markii ay arkeen Ibraahiim (cs) oo biraynaya wiilkiisii Ismaaciil (cs) waxay u hoobteen Sujuud,
Illahay ayaana ku yiri: fiiriya addoonkayga sida uu ugu kir-kirayo (marmarinayo) middida qoorta wiilkiisa, isagoo rilaheyga dalbay (doonaya).
Ismaaciil (cs) wuxuu yiri: “Aabaheeyow ii sii daa gacmaha iyo lugaha oo iga fur xariga, yaan la ii malaynin in la i qasbayo, oo aan diidanahay amarka Illahay, ina gowrac anoon gacmo xirneyn.
Nebi Ibraahiim (cs) waa ka furay xargihii lugaha iyo gacmaha, mar labaad ayuuna middidii ku kir-kiray, wiilka surkiisa intii xoggiisa ah, markaas baa middidii afka ka soo laabmatay, waxna u goyn weysay.
Ismaaciil (cs) wuxuu ku yiri Aabihiis Ibraahiim “Aabbe xoogaagii ayaa daciifay jeclaanta aad i jeceshahay awgeed, mana awoodid inaad i birayso”.
Nebi Ibraahiim (cs) middidii ayuu ku garaacay dhagax, markaas bay dhagaxii labo u kala goysay, afka middidu leedahay awgeed.
Nebi Ibraahiim (cs) wuxuu yiri: “middidani way kala goynaysaa dhagaxa, hilibkana goyn meyso!!
Nebi Ibraahiim (cs) middidii ayaa la hadashay oo tiri “Ibraahiimow waxaad i leedahay wax goy, Illahayna wuxuu i leeyahay ha goyn, ee sideen amarkaaga u yeelaa, Illahayna u caasiyaa?”
Intaas markii xaaladdu marayso ayaa Illahay u naadiyey kuna yiri Aayadahaan qur’aanka ah.
Illahay wuxuu u keenay (Wan) wayn oo laga keenay sida la sheegay jannada, waxaana lagu beddelay Nebi Ismaaciil (cs).
Jibriil oo la socday wanka, ayaa yiri: Allahu akbar, Allahu akbar, Allahu akbar.
Nebi Ibraahiimna (cs) wuxuu yiri: “laa ilaaha ilallaah wallahu akbar”.
Nebi Ismaaciilna (cs) wuxuu yiri: “Allahu akbaru wallilaahil xamdu”
Sidaas daraadeed ayaa takbiirta la qaadaa maalmaha ciidda Carafo, inagoo ku dayanayna Nebi Ibraahiim (cs).
Nebi Ismaaciil (cs) waa awoowga kore ee uu ku abtirsado Rasuulkeenna Muxammad NNKH.
Nebi Ismaaciil (cs) wuxuu ku soo barbaarey Makka Al-Mukarama.
Nebi Ibraahiim (cs) wuxuu Nebi Ismaaciil (cs) Illahay siiyey isagoo 87 jir ah.
Hooyaddii Haajarana waxay ahayd addoon (booyaas) ay leedahay oo u shaqeysa xaaskii kale ee Nebi Ibraahiim markay waxba u dhali weyday ayey ku dartey booyaasadeedii Haajara aheyd, halkaas oo Illahay Nebi Ismaaciil ka beeray.
Nebi ismaaciil walaalo waxaa la dhashay hal wiil, wiilkaas oo ahaa Nebi Isxaaq (cs).
Nebi Ismaaciil (cs) wuxuu Nebi Isxaaq ka weynaa 14 sanno.
Nebi ismaaciil (cs) wuxuu dhalay 12 wiil, dhammaantoodna waxay noqdeen Awoowe-yaal lagu abtirsado, Nasabka Nebi Ismaaciil (cs) waxa ka soo jeeda Carabta-Mustacribadda la yiraahdo.
Nebi Ismaaciil wuxuu noolaa 137 sanno, wuxuuna ku dhintay Mako, oo uu ku aasan yahay.
Intaas waxaa inoogu dhamaaday Qisadii Nebi Ismaaciil (cs) oo kooban.

Waxaa qoray:Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdi-Waaxid
Comments
Post a Comment